Fadeexaddii Sabtaw iyo sheekadii xabsiga dhexe(Q.2’aad).

0
511

Waa qeybtii 2’aad ee qisadii jimcaha iyo fadeexadii sabtaw iyo sheekadii xabsiga dhexe.

Waxey noo joogtey iyadoo 50,000$ la keeney waxey ila noqotey in aaney dhici karin in gacanteyda soo gasho lacag intaas la eg markii uu ii keeney qorshaha nin kamid ah askarta xabsiga ayaa maskaxdeyda iyo qalbigeygu isu sheegeen ,waxaanse hadana isweydiiyey sida lacagta loo qeybsandoono iyo qaabka loo sii deynkaro qof dil ku xukuman,waxa aan u yeerey ninkii xiriiriyaha ahaa si aan wax uga ogaado su’aalaha aan is weydiiyey,hadalkan ayaana dhexmarey:
sabtaw: waxaan kaa rabaa in aan wax kaa weydiiyo su’aalo igu soo noqnoqdey waxeyna kala yihiin ugu horeyn sida lacagta loo qeybsanayo iyo habka lagu bixinayo maxbuuska dilka ku xukuman?
Xiriiriye: lacagta waxaad adigu leedahey 25.000(shan iyo labaatan kun)
qaabka lagu soo bixinayo maxbuuskana waa laguu keenayaa ee adigu naga war sug!

Markii galabtaas intaas lagu kala tagey ayaa waxaa gacanta laga saarey lacag labo ilaa sadex kun ah oo uusan waligiis gacantiisa gelin,hase yeeshee dhulka iyo geeduhuba wey u dhaqdhaqaaqayeen,naxdin iyo welwel lacagta agyiil waxaase cabsida afka u dhigtey baahi daran oo agteyda tiil,waxaana la gaarey galabtii kale waxaana ii yimid xiriiriyihii si uu iila socodsiiyo qaabka lagu soo bixinayo maxbuuska dilka ku xukuman,wuxuuna ii sheegey qaabkan:
xiriiriye: taliye waxaan kuu wadaa qaabka loo soo bixinayo maxbuuska dilka ku xukuman,waana sidan.
LASOCO JIMCAHA SOO SOCDA Insha allaah.