Ciidamada Amisom ee siiralyoon oo la wareegey guri si xoog ah ay u heysteen ciidamada amniyaadka Axmed madoobe iyo meydad laga heley.

0
452

Ciidamada dalka siralyone ee ku sugan kismaayo ayaa la wareegey guri ay si xoog ah ku heysteen ciidamada amniyaadka maamulka Kmg ee uu hugaamiyo Axmed Madoobe.

Gurigan ayaa sida lagu soo waramayo waxaa laga heley meydadka dad ay dileen kuwaas oo eheladoodu hore u waayeen lana arkin raqdooda iyo raadkooda midna.

Falkan waxashnimada ah ayaa noqon doona mid hoos u dhiga sumcadda maamulka ka arrimiya kismaayo iyo madaxda ugu sareysa,waxaana baaritaano lagu sameynayaa meydadka la heley oo qaarkood ay doorsoomeen cidii ay ahaayeena aan la garaneyn in baaris lagu soo saaro mooyee.

Ficiladda xasuuqa iyo isir sifeynta ah ayaa keeni kara in maxkamad heer caalami ahi meesha soo gasho taas oo wadamo badan oo afrika ah ka sameysey eedeymo dad lala xiriirinayo denbiyo dagaal iyo xasuuq isir sifeyn ah,ma jirto cid kamid ah maamulka axmed madoobe oo arintan ka hadashey.

Hawshan la wareegida gurigan ay ciidamada siralyon ee amisom ay la wareegeen ayaa timid iyadoo beryahan kismaayo laga maqlayey cabasho iyo qeylo dhaan ka imaneysey dadka deegaanka kismaayo,taas oo tilmaameysey in lagu hayo dil iyo handadaad,halka shaley loo magacaabey taliyaha ciidamada maamulka ninka lagu magacaabo ciise kamboodi.