Madaxweynaha jamhuuriyadda federalka soomaaliya prof. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hugaaminayo ayaa galabta ka dhoofey dalka isagoo kusii jeeda xarameyn ashariifeyn si uu u soo guto xajka sanadkan.
Madaxweyne xasan sheekh ayaan aheyn sida madaxweyneyaashi dalka soo marey ee kaxeyn jirey dad gaaraya boqol qof waxaana la filayey in uu si caddaalad ku jirto uu xubnaha xujeyda la siiyey madaxtooyada somaliya u qeybiyo waxaana la sheegayaa in Axmed madoobe la siiyey shan xubnood oo keliya,ayna ku kala caroodeen kuxigeenki axmed madoobe ninka lagu magacaabo macalim ibraahim.