Xubno ka tirsan barlamaanka soomaaliya oo wada in ay moshin ka geeyaan xukuumada dr saacid.

0
398

Xildhibaano ka tirsan barlamaanka soomaaliya ayaa wada qabanqaabo moshin ka dhan ah xukuumada dr saacid,iyagoo raba in ra’iisalwasaare saacid uusan markale hugaamin xukuumada soomaaliya.

Xildhibaanadan ayaa hadda tiro ahaan ku dhaw ilaa 60 xildhibaan oo doonaya in cabdi faarax shirdoon uu dhaco,loona adeegsado codka xubnaha barlamaanka soomaaliya iyo rabitaankooda,iyagoo dhanka kale shaqo abuur ku jira.

Maahan markii ugu horeysey oo warkan la maqlo hase yeeshee waxey kusoo beegmeysaa iyadoo ra’iisal wazaare shirdoon uu sheegey in uu waqtigiisu dhamaanayo 2016ka inta ka horeysana uu dadkiisa u shaqeynayo,wuxuuse shirdoon ilawsanyahey balanqaadkiisi ahaa in aan la maqleyn is heysiga isaga iyo m/weynihii soo magacaabey.