Barlamaanka soomaaliya oo waqti kama danbeys ah u qabtey inuu horyimaado wasiirka Ganacsiga & warshadaha.

0
433

Barlamaanka soomaaliya ayaa maanta fadhigoodi caadiga ahaa isugu yimid iyagoo beryahan su’aalo weydiinayey qaar kamid ah xubnaha golaha wasiirada,waxaana balantu maanta ay aheyd in wasiirka ganacsiga iyo warshaduhu barlamaanka horyimaado.

Wasiirka oo baaqdey kulanka cudur daar la’aan ayaa kama danbeys beri oo isniin ah loo qabtey in uu xubnaha barlamaanka horyimaado si su’aalo isaga quseeya loo weydiiyo,waxaadna moodaa in xubnaha barlamaanku ay wadaan daandaasi wasiirada hada xilka haya ayna rabaan in qaarkood aysan soo galin xukuumada dhawaan la filayo in dr saacid uu ku dhawaaqo.

Ma jiro sharci ama qodob qabanaya wasirka barlamaanku u yeero ee imaan waaya marka laga reebo in wixii sadex goor ka badan uu muteysano ciqaab sharciyeed,hadii uusan shaqo qaranka ugu maqneyn,waxeyna tani kusoo beegmeysaa iyadoo la filayo in xukuumad ka tiro badan tii hore uu soo dhiso r/w Cabdi Faarax Shirdoon oo isna shaley caddeeyey in aanu xafiiska ka tageyn ka hor waqtiga m/weyne Xasan Sheekh uu ka dhamaado afarta sano ee la doortey.