R/wazaare Cabdi Faarax Shirdoon oo shir jaraa’id kaga hadley waxa u qabsoomey muddo hal sano ah.

0
486

R/wazaaraha dawlada federalka Cabdi Faarax Shirdoon ayaa shir jaraa’id oo uu qabtey kaga hadley waxa u qabsoomey xukuumada uu hugaamiyo mudo hal sano ah,Saacid ayaa hadalkiisa ku billaabey faan iyo wax qabad aan la arkin una mahad celiyey madaxweyne xasan sheekh oo xilkan r/wasarenimo u doortey iyo barlamaanka oo ansixiyey xubnaha xukuumadiisa iyo barnaamijka ay ku shaqeynayeen halki sano oo la soo dhaafey.

Saacid ayaa waxaa hadalkiisa ka muuqdey in aan xilka cidina ka qaadi karin iyadoo ka bedelan hadal balanqaad ahaa oo hore uu u sheegey kaas oo ahaa in aaney marna dhici doonin in ay is qabtaan madaxweynaha isaga soo doortey,uuna ilaalin doono xushmada iyo kala danbeynta,hase yeeshee waxa uu maanta qeexay in uu kursiga kusii fadhin doono illaa uu dhameysto afar sano.

R/wasaare Saacid ayaa sheegey in uu sameyndoono isku shaadheyn xukuumada ah,iyadoo beryahan la hadal hayey is casilaad uu soo qadimayo,mana aha markii ugu horeysey oo masuul la nacey iska dhigo in uu dadka cirka iyo dhulka u kala hayo,waxeyna tani kusoo beegmeysaa iyadoo uu socdo mawshin kacsanaan ka dhan ah Saacid iyo xukuumada tirada iyo tayada aan laheyn ee uu ku faaney ra’iisal wasaraha xiligan hugaamiya xukuumadda dawlada federalka soomaaliya.