Taliye Ku Xigeenka Degmada Hodan Oo Maanta Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

0
568

Dhaliyaro Ku Hubeysneyd Biskoolado ayaa saaka ku dilay nawaaxiga Tarabuunka Taliye xigeenkii saldhiga booliska degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Kaasoo lagu magacaabayay Shariif Aadan Maxamuud Seefle waxaana toogtay labo dhalinyaro bastoolado ku hubeysnaa, iyagoona ka qaatay bastoolad uu watay Marxuumka.

Waxa Ay Sheegeen Dad ka ag dhowaa goobta uu dilka ka dhacay in Sarkaalkan uu xabad riday, markii la soo weeraray, hase ahaatee looga hormaray, dabadeedna markii rasaasta haleeshay oo uu dhulka ku dhacay bastooladu uu sitayna laga qaatay.

Gudoomiyaha degmada Hodan Cabdi Maxamed Dhabaney oo ay la xiriirtay warbaahinta ayaa sheegay in maamulkiisa ku jahwareersan yahay dilalka, isla markaana ay wadaan howl galo sidii loo soo qaban lahaa kooxihii dilka geystay.

Ma jirto ilaa iyo hada cid sheegatay dilkan taliye kuxigeenka, hase ahaatee waxaa uu qeyb ka noqonayaa dilalka mudooyinkii u dambeeyay ka dhacayay degmooyinka Gobolka Banaadir.