Maamulka gobolka banaadir oo ka warbixiyey hawlgallo ciidamada nabadgelyadu ka fuliyeen qaar kamid ah deg.gobolka Banaadir.

0
460

Hawlgalo ay ciidamada nabadgelyada gobolka banaadir ka sameeyeen qaar kamid ah degmooyinka gobolka banaadir ayaa waxaa lagu soo qab qabtey hub,walxaha qarxa,iyo cirbado wata sun dadka disha.

Maamulka gobolka banaadir gaar ahaan gudkuxigenka dhanka amniga gobolka banaadir Warsame maxamed xasan oo ka hadley goob lagu soo bandhigey walxaha la soo qabtey ayaa ku ammaaney ciidamada amniga hawsha ay u taaganyihiin habeen iyo maalinba isagoo sheegey in hada wixii ka danbeeya gacan bir ah lagu qabandoono cidii amniga wax u dhimeysa waxey doonto ha ahaatee.

Bandhiga hubka maanta maamulka gobolka banaadir iyo ciidamada amnigu soo bandhigeen ayaa kusoo beegmeysa xilli shaley madaxweynaha dalka soomaaliya uu sheegey in laga digtoonaado qaraxyadii ka dhacey kenya kuwo lamid ah oo ka dhici kara gudaha dalka soomaaliya,maadaama ay xogaga xarakada alshabaab ay bulshada ku dhexjiraan waa sida uu hadalka u dhigaye.