Golaha wasiirada soomaaliya oo gudoomiyaha gobolka banaadir u yeerey su’aalana weydiiyey!

0
474

Kulanka golaha wasiirada oo ahaa mid aan caadi aheyn ayaa waxaa gudominayey kusimaha R/wasaaraha ahna wasirka kheyraadka c/risaaq maxamed waxaana su’aalo lagu weydiiyey gudomiyaha ahna duqa magaalada muqdisho maxamud axmed nur tarsan.

Iyadoo su’aalahu la xiriireen dhanka amniga ayaan waxba laga weydiin ninka u qaabisan amaanka maamulka gobolka banaadir oo ah gud.kuxigenka 2’aad ee maamulka gobolka banaadir Warsame Maxamed Xasan Joodax,waxaana gudoomiye tarsan uu uga jawaabey su’aalihii la weydiiyey si wanaagsan.

Waa markii ugu horeysey ee golaha xukuumadu u yeeraan gudoomiyaha gobolka banaadir,waxeyna kusoo beegmeysaa iyadoo uu dalka ka maqanyahey r/wasare Saacid isla markaana la hadal hayo isku shaadheyn xukuumada iyo isbedel kusoo wajahan xukuumada uu hugaamiyo cabdi faarax shirdoon Saacid iyadoo gudomiyaha gobolku uu dhawaan ka yimid shirkii brassels berina la filayo in uu safar debeda ah u ambabaxo gudomiye tarsan.