“Fu’ad Shongole” Ciidamadda Dowladda Jabuuti Dalkeena Haka Baxaan, Al-Shabaab Kaliya Ayaa Ka Talinayaa Soomaaliya.

0
469

Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf, {Shongole} oo ka Mid Ah Saraakiisha sar sare ee Xarakada Al-Shabaab Una Qaabilsan dhanka Dacwada, ayaa Ciidanka Jabuuti waxa uu ku eedeeyay inay ku biirayn sida uu sheegay Dallada Amisom Ee Ku Sugan Gudaha Dalka Soomaaliya.

Fu’aad Shongole Ayaa Waxa Uu Sheegay In Xilligaani kadib,iyaga iyo Ciidanka Jabuuti, aynaan laheyn wax xiriir ah, isla-markaana ay la dagaalami doonaan, Isagoona Sheegay Kahor inta aanu dhex marin wax dagaal ah, Ciidanka Jabuuti u jeediyay inay si deg deg ah uga baxaan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan Haddii kalana ay ka shalaayi doonaan Sida Uu Hadalka U Dhigay.

Ugu Dambeyn Ciidamada Dowladaha Uganda iyo Burundi,Ayuu sheegay inay jab xoogan kala kulmayn Ciidamadooda, ka gadaal markii ay dhegaha ka fureysteen inay Ciidankoodu dalka kala baxaan, Isagoona Al Shabaab oo kaliya, sheegay inay dalka ka hawlgali karto, iyadoo markaasi ku dhaqaysa Shareecada Islaamka.