Fadeexaddii Sabtoow iyo sheekadii xabsiga dhexe ee muqdisho.

0
512

Fadeexadan la magac baxdey (fadeexadii sabtaw iyo sheekadi xabsiga) ayaa waxey ku saabsantahey sheeko dhab ah oo dhawaan ka dhacdey xabsiga dhexe ee muqdisho,waxeyna ku bilaabaneysaa sidatan.

Waxey aheyd muqdisho meel jahawareer ka jiro waxaa maalin walba xoriyadooda waayi jirey boqolaal somaali ah oo aniga la iigu keeni jirey xabsiga dhexe ee muqdisho oo aan taliyaha xabsigaas ka ahaa.

Ma fileyn in xoriyad la’aantu isoo mari doonto,hase yeeshee maanta waan hayaaye aan idiin faahfaahiyo sida aan xoriyadeydi ku waayey:-

waxaa maalin maalmaha kamid ah la ii keeney mid kamid ah maxaabiistii aan xabsiga ku hayey kaas oo lagu soo xumey Dil toogasho ah,wuu ilmeynayey aad ayuuna u naxsanaa waxaan weydiiyey waxa uu sameeyey waxa uu ii sheegey in god niman ay ku rideen oo ay igu yiraahdeen alaab ayaa d u geyneysaa rag meel jooga wax ay tahey ma garaneyn waanan soo qaadey markii aan is dhahey ku wareeji ninki leygu yiri u gee hareeraha ayaa qoryo la’iiga qabtey waana ley xirey markii aan irri maxaa leygu heystaana la ii sheegey in waxa aan wadey uu ahaa qarax la doonayey in lagu qaarajiyo mid kamid taliyaashi ciidamada xogga soo marey oo lagu magacaabo c/kariim dhegobadan.

Runtii waan u danqadey wiilka iyo sida loo khiyaaney waanan ogaa in raga dawlada kasoo horjeedaa ay adeegsadaan wax walba oo ay ku gaari karaan hawsha ay rabaan in ay fuliyaan,waxaan ku dhahey wiilki adeer micno malahee iska gal xabsiga,waxaana wiilki la galiyey meesha lagu xiro dadka toogashada ku xukuman ee sheelo moorto.

Fiicnaan laheydaa in waqtiga leyga bedello taliyaha xabsi ee aan ahey,mudo dhawr bilood kadib waxaa ii yimid nin kamid ah ciidanka asluubta kaas oo ii sheegey in uu qorshe ii wado markaan qorshaha falanqeyney waxaan ku heshiiney in wiilkaa aan ku bedelano lacag cadadkeedu yahey konton kun ($50.000).
Maxaase ka danbeeyey la soco jimcaha soo socda insha allaah.