Gudiga difaaca iyo amniga Baarlamaanka Kenya ayaa su’aalo weydiinaya laamaha ammaanka dalkaas, sababtii keentay in weerar sidaas loo soo qorsheeyay in lagu qaado mid ka mid ah rugaha ganacsiga ugu weyn Ee Lagu Magacaabo Westgate Mall Magaalada Nairobi Ee Xarunta Dalkaasi Kenya.
C/qaadir Dhoore oo ka mid ah Xildhibaanada Gudiga difaaca baarlamaanka Kenya ayaa sheegay iney hor imaan doonaan fadhiga baarlamaanka maanta oo Isniin ah Taliyaha Booliska Kenya, Madaxa Sirdoonka iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Kenya Isagoona Oo Uu Xildhibaanka is weydiiyay sababta ciidamada ammaanka Kenya ay u keeni la’yihiin cadeymaha ku saabsan ragii weeraray Westgate oo nolol iyo geeri midna aan lagu heyn, Wuxuuna shaki geliyay in Ay baxsadeen Raggii Weerarka Geegstay.
Ole Lenku Oo Ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Ayaa Maalinkii Shalay Waxa uu beeniyay wararka sheegayay inay baxsadeen kooxihii weeraray Westgate, isagoona tilmaamay cadeymaha ku saabsan dadkii weerarka ka dambeeyay in dhowaan ay soo bandhigi doonaan.