Xuseen Carab Ciise Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Haalkii Ka soo yeeray Waziirka Arimaha Dibadda Dalka Kenya

0
635

Xuseen Carab Ciise R/wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka ahna Wasiirka Gaashaandhiga ayaa ku tilmaamay hadalka ka soo yeeray Sam Ongeri wasiirka arrimaha dibedda Kenya oo sheegay in qaraxii ismiidaaminta uu ka dambeeyey Sheekh Shariif inuu ahaa hadal lagu yaqyaqsoodo, oo meel ka dhac ku ah diblumaasiyada,

Sidoo Kale Xuseen Carab ayaa waxa Uu xusay in wasiirka Kenya uu yahay shaqsi siyaasada ku kufay mar haddii ay ka soo yeertay hadalo iska horkeen ah Una Muuqato Mid dacaayad ku Ah Sharafta Madaxdii dalka Soomartay.

“Xuseen Carab Ciise” Sam Ongeri Wasiirka arrimaha dibedda Kenya hadalka ka soo yeeray waa hadal meel ka dhac ku ah dhaqanka diblumaasiyadda, ujeedada uu ka lahaana waxey aheyd inuu Soomaalida isku diro Madaxweynaha Dowladii Hore Ee TFG-da Sheekh Shariif waxa uu ahaa mas’uul ka soo horjeeday in Kenya ay la wareegto Kismaayo, wuxuuna aaminsanaa in ciidan Soomaaliyeed ay magaaladaasi la wareegaan, Kenya raali kama Aysan aheyn inuu xukunka ku soo laabto, waayo wuxuu ka horyimid qorshahoodii, waana qorshaha hadda socda sidaa daraadeed mas’uulka cusub ee madaxweynenimada Soomaaliya la wareegay inuu yiraahdo ciidan Soomaaliyeed waa in ay magaaladaasi galaanSida Waxaa Yirri Xuseen Carab”,

Hadalkaani Ka Soo yeerery Xuseen carab Ciise R/wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Ayaa Imaanaya Xilli Ay Dhawaan Hadal Ka Soo Yeerery Dowlada Kenya Lagu Sheegey In Qaraxii Ismiidaaminta ahaa eel ala Eegtay Mudane Xasan Sheekh Uu Ku Lug Lahaa madaxweynihii Dowlada TFG-da Shariif Shiikh Axmed