Xubnaha musharaxiinta 25ka ah oo bilaabey guruubeysi iyo koox koox!!

0
485

Xubnihii baarlamaanku dhageystey 25ka xubnoodna ka koobnaa ayaa bilaabey kooxeysi si wareega koowaad codadkoodu u qeybsamin qof kastaana halka ku harin,waxaanan la ogeyn sida ay isku aamini karaan waxaana hada la sheegayaa ilaa 7murashax isku biirtey iyadoo la leeyahey beri ayey hadal wada jir ah jeedin doonaan.

Wareega koowaad marka uu dhaco ayaa waxaa soo baxaya afarta qof ee ugu codad bata,halka wareega labaadna ay soo baxayaan 2da ugu sareysa afarta tartantey halka wareega ugu danbeeya guushu raaceyso cod hal dheeri ah oo kaliya waana midaas aan kor ku soo sheegney mida keentey in leys guruubeysto,waase la arki doonaa maalmaha soo socda sida ay wax u dhacaan insha allah.