Xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed oo ka digey in la ciidameeyo caruurta yar yar.

0
511

Warbixin uu soo saarey gudiga daryeelka iyo xuquuqda aadanaha ee xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed ayaa lagu sheegey in ay kor u sii kaceyso ciidameynta caruurta somalia tan iyo intii somaaliya ay saxiixdey heshiiska q/midobey ee tilmaamaya dhawrista iyo xaqdhawrka caruurta oo aaney somalia hore ugu jirin.

Warbixintan gudigu soo saarey ayaa ku eedeysey dhinacyo badan oo ay ugu horeeyaan dawlada federalka,alshabaab,ahlusuna iyo hugaamiye kooxeedyo si gaar ah u abaabulan in aysan dhawreyn heshiiska aduunka uga yaal ciidameynta caruurta warbixinta ayaa sidoo kale tilmaameysa maamulka somaliland,puntland iyo kibilka somali galbeed iyadoo laga digey arintan ciidameynta caruurta yar yar loona baahanyahey in la dhawro xuquuqda caruurta soo koreysa oo ah mustaqbalki berito ee ciidda soomaaliya.