XARAKADA AL-SHABAAB OO KA SOO HORJEESATEY M/WEYNAHA CUSUB EE SOOMAALIYA! xasan sh.

0
471

Xarakada m al-shabaab ayaa si cad uga soo horjeesatey m/weynaha cusub ee soomaaliya,iyagoo sheegey in ay la dagaalami doonaan beegsana doonaan cidii kamid noqota ama gacan siisa xukunkaa xaaraamta iyo laaluushka ku dhisan,shisheeyaha iyo gaaladuna kor ka maamulayeen waa sida ay hadalka u dhigeene.

Al-shabaab ayaa ah alqaacidada geeska afrika,kana soo horjeeda dhamaan xukuumadaha ka dhisan iyagoo mar walba cadeeya mawqifkooda siyaasadeed,baqdin laga qabo awgeed ayaa toban iyo dhawr kun oo askeri loo keeney gudaha somaaliya,waxeyna wali ka dagaalamayaan meelo badan oo dalka soomaaliya gudihiisa ah iyagoo sheegey in ay bedeleen qiddada dagaalka ay kula jiraan ciidamada huwanta ah.

Dad badan ayaa qaba in aaney nabadi ka hirgeleyn soomaaliya iyadoon xal loo helin xarakada hubeysan ee alqaacidada geeska afrika,balse waxaa leysku hayaa xalku sida uu ku imaan karo iyo sida looga dhaadhicin karo awooda iyo talada oo la qeybsado,ayna maanta arkaan sida si nabad ah loogu kala adkaadey kursiga qaranka soomaaliya.