Shir gaar ah oo looga hadlayey arrimaha Soomaaliya ayaa xalay ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York ee dalka Mareykanka, kaas oo uu shir gudoominayey Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay Banki moon, waxaana shirka si weyn looga hadlay arrimaha Soomaaliya si ka duwan sidii horay looga hadli jiray.
Shirka oo ay ka qeybgaleen xubnaha Golaha guud ee Qaramada Midoobay iyo madax badan oo ka socotay caalamka oo ay ka mid yihiin dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya, ururada dowliga ah ayaa lagu soo qaaday isbedelada siyaasadeed ee Soomaaliya ka dhacay iyo dowlada cusub, waxaana shirkaasi hadalo kala duwan ka jeediyay mas’uuliyiin kala duwan, iyadoo ay xusid mudantahay in madaxweynayaasha dalalka Masar iyo Yamen ay ka jeediyeen halkaasi balanqaadyo ay u fidiyeen Soomaaliya, waxayna beesha calaamka ka codsadeen in si wadajir ah loogu gurmo.
Madaxweynaha Masar oo khudbad dheer ka jeediyay shirka ayaa sheegay in Masar ay sii wadeyso taageeradii ay siin jirtay Soomaaliya, isla markaasna ay gacan ka geysanayso sidii ammaankii loogu soo celin lahaa Soomaaliya, waxaana Madaxweynaha Masaru u xusay inay lagama maarmaantahay in Soomaaliya ay dib ugu soo noqoto fagaarayaasha caalamiga ah, isla markaasna lala xisaabtamo cid kasta oo ka soo horjeesata nabadda Soomaaliya ka soo bidhaameysa.
Dhinaca kale Ra’isul wasaarihi hore ee Soomaaliya C/weli Gaas oo hogaaminaya wafdiga Soomaaliya uga qeybgalay shirkaas ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad dheer oo uu kaga hadlay isbedelada ka dhacay Soomaaliya, isagoo xusay in Soomaaliya ay ka dhalatay dowlad rasmi ah, loona baahanyahay in caalamku ula macaamilo si ka duwan sidii hore.
“Waxaan warbixin ka siiyey arrimaha Soomaaliya iyo isbedelka iyo horumarka la sameeyay, waxaan kale oo aan u sheegnay waxa aan u baahanahay iyo waxa ay mudantahay in nalaga caawiyo, maadaama dowlad taam ah la helay, waxaan kala hadlanay in wax laga badalo qaabkii ay aduunyada ula macaamili jirtay Soomaaliya sida dhaqaalaha la siiyo Soomaaliya” ayuu yiri Gaas oo intaasi ku daray in isbedel dhab ah uu ka yimaado dhinaca beesha caalamka, si buuxdana ay u taageeraan dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale Ra’isul wasaaraha ayaa kulan gaar ah oo uu la qaatay habeen hore Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay waxa uu kaga hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta ka dhaxaysa dowlada Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, iyadoo dib u eegisna lagu samayn doono qaabkii loo wada shaqayn jiray xiligii uu dalku ku jiray KMG madaama ay Soomaaliya maanta lee dahay dowlada rasmi ah.