Shir aan caadi aheyn oo ay iskugu yimaadeen xubnaha xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed uuna shir gudoominayey kusimaha gud.xmjs ahna gud.kuxigenka xmjs md cali maxamed nuux timajilic ayaa ugu horeyntii waxaa tacsi tiiraanyo leh loo direy gud.xmjs c/nur darman,hooyo ashkiro cali,filsan darmaan iyo dhamaan qoyska reer axmed darmaan iyadoo looga tacsiyeeyey geeridii sideedi bishan ku timid aabahod dr-amp. Axmed maxamed darman,iyadoo loo rajeeyey in illaah janadiisa fardawsa ka waraabiyo iyagana samir iyo iimaan ka siiyo aamiin aamiin
(inaa lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun).
Dhanka kale waxaa xubnaha xisbigu si buuxda u taageereen m/weynaha cusub ee la doortey prof. Xasan sheekh maxamud iyadoo loo rajeeyey illaahna looga baryey in xilka culus uu la garab galo,waxaa sidoo kale la bogaadiyey xubnaha xisbiga nabadda iyo horumarka uu m/weynuhu hugaamiyo,waxaana ugu danbeyntii laga codsadey shacabka iyo ciidamada amniga in ay nabadgelyada dhawraan isna kaashadaan.