Shiikh fu’aad Max’ed Qalaf Oo Ah Xarakada Al-shabaab Ninka U Qaabilsan Dhanka Dacwada ayaa ka hadlay gulufka dagaal ee ka socda Gobolada Jubbooyinka iyo marxaladaha uu marayo dalka Somaaliya.
Sheekh Fu’aad Shongole Ayaa Waxa Uu KA Mid Yahay mas’uuliyiinta sida weyn looga Yaqaano bariga Afrika ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dagaalada kasoo cusboonaaday wadada isku xirta Afmadoow iyo Kismaayo Iyi Arimo Quseeya Xaalada Dalka.
Sidoo Kale Shiikha Ayaa shacabka Ku Dhaqan Magaalada Kismaayo Waxa Uu Ugu bishaareeyay in Ciidamada kusoo duulay Jubbooyinka uu jabi doono wuxuuna Allaah ka baryay in junuudiisa guuleeyo Kenya iyo Xaabadeedana jabiyo Sida Uu Sheegay Fu’aad Shongole.
Sheekh Fu’aad ayaa si gaar ah ula hadlay bulsha weynta Jubbooyinka isagoo soo xusuusiyay nabad gelyada,cadaaladda iyo karaamada ay ku heleen ku dhaqanka sharciga islaamka muddo Afar sanadood ah aysan dhibaato ka dhicin Kismaayo iyo magaalooyinka hoos Taga
Waxa Uuna Baaq U Jeediyay Dhamaan Shucuubta Islaamka Ee Ku Dhaqan Gobolada Jubbooyinka In Ay Sii Wadaan Difaaca Diinta Alle Iyo La Dagaalanka Ciidamada Dowlada Kenya Ee Ku Sugan Qeybo Ka Mid Ah Gobolada Jubbooyinka Kaa Oo Ay Dagaalo Xoogan Kugula Jiraan Al-shabaab .