Shekh xasan daahir aweys oo been aan sal laheyn ku tilmaamey war sheegayey in isaga iyo xisbigiisu ka baxeen al-shabaab.

0
557

Warar saxaafadu baahisey oo sheegayey in xisbul-islaami oo kol hore ku biirey xarakada m/alshabaab ay mar kale ka go’een alshabaab ayna hada iyo wixii ka danbeeya yihiin xisbul islaamigii hore loo yiqiin,warkan oo ay warbaahintu kasoo xigatey nin hore u ahaanjirey afhayeenka xisbul islaami kaas oo lagu magacaabo MAXAMED MACALIN.

Hase yeeshee waxaa warkan meesha ka saarey gudoomiyihii hore ee ururka xisbul islaami SHEKH XASAN DAAHIR AWEYS,isagoo sheegey in aan warkaas waxba ka jirin uusana ka warqabin warkaas leysla dhexmarayo,iyadoo xuuraan iyo galaangal lala sameeyey saraakiil xisbul islaam ka tirsanaa ay sheegeen in ay dhici karto rag aan ku qanacsaneyn ku biiritaanki hore ee lagu biirey alshabaab kuwaasoo hadli waayey awooda alshabaab awgeed balse maanta is yiri waad hadli kartaan iyagoo ka faa’iideysanaya weerarada iyo dagaalada tirada badan ee ay alshabaab maanta kaga jiraan dhinacyo badan.

Waxaa dad badani tilmaamayaan hadii taasi dhacdo in ay dhabar jab ku noqoneyso xarakada al-shabaab alqaacidada geeska afrika kuwaasoo ah xooga kaliya ee ay ka baqaan madaxda maamusha dalalka geeska afrika,waase la ogaandoonaa si muuqata wax ka dhihida hadalkan kediska ah ee mar uun dhegaha bulshada ku soo dhacey.