Sheekh Cali Max’uud Raage “Sheekh Cali Dheere” Afhayeenka Guud Ee Xarakada Mujaahidinta Al-Shabaab Ayaa Waxa Uu Qabtay shir saxaafadeed uu kaga hadlay isbadalka dagaalada Jubbooyinka Ka Socda Kaa Oo Ay Ku Hardamayaan Iyaga Iyo Dowladaha Iskaashanaya Ee Kenya Iyo Soomaaliya.
Afhayeenka Al-shabaab ayaa Sidoo Kale faahfaahin Ka Bixiyay dagaalladii u danbeeyay ee ka dhacay Jubbooyinka, iyo go’aanka Ay Ka Soo Saareen Xarakaa Mujaahidiinta Al-shabaab, waxaana uu fariin u diray shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qabaa’ilada daga Goboladda Jubbooyinka In Ay Gacan Lexaad Leh Ka Geestaan Dagaaladaasi.
Cali Dheere ayaa ku dhawaaqay in Islaamka iyo raayada towxiidka ee ka taagan Kismaayo oo la dumiyo uu ka horeeyo dhiig badan oo daadan doona, iyo baroor badan oo ka dhici doonta Nairobi, si la mid ah baroortii Kampala iyo Bujambuura Ka Dhacday .
Shiikha Ayaa Sheegay In Ay Dhamaan Masuuliyiinta Dhaq Dhaqaaqa Mujaahidiinta Al-Shabaab U hambalyeynayaan qabaa’ilka daga Jubbooyinka ee garab taagan Shareecada In Shareecada Islaamka Lagu dhaqo Guud Ahaan Dalka Soomaaliya
Waxa Uu Kaloo sheikh Cali Dheere Xusay,In Dagaalyahanaa Al-shabaab caddeeyeen in ay ku taagan yihiin ballantii lagu wada galay difaaca Shareecada iyo sharafka Muslimiinta ku nool dagaanada Jubbooyinka Sida Uu Sheegay Cali dheere.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa dagaallo culus Oo U dhexeeya xarakada Al-shabaab Iyo Dowladaha Iskaashanaya Ee Kenya Iyo Soomaaliya waxa ay Ka Soconayeen dagaanada u dhexeeya degmada Afmadow iyo magaalada Kismaayo, waxaana Dagaaladaasi Ay U Muuqdaan In Ay Al-shabaab Sidii Horey Ay Kaga Bexeen Gobolo Dhowr Ah Oo Kale In Ay Haatanna Kaga Dureeri Doonaan Magaalada Kismaayo .