Sarkaal ka tirsan ciidanka nabadsugida oo xaafada buuloxuubey ee deg.madina lagu diley

0
555

Waxaa maanta xaafadda buulo xuubey ee deg.madiina lagu diley mid ka tirsan saraakiisha ciidanka nabadsugida qaranka.

Sarkaalkan oo magaciisa lagu sheegey maxamed sh baarud gurxan ayaa waxaa la sheegey isagoo gurigiisa kasoo baxey in labo nin oo bistoolado ku hubeysani weerareen rasaasna la dhaceen,iyagoo goobta ka baxsadey durbadiiba,ciidamada oo goobta soo gaarey lama sheegin cid ay u qabteen tuhunka fal denbiyeedka meesha ka dhacey,mana jirto cid sheegatey dilalkan oo sii badanaya ilaa iyo intii xarakada m alshabaab laga faro maroojiyey goobo badan oo ay gacanta ku hayeen.

Maahan marki u horeysey oo sidan oo kale loo beegsado ciidamada dawlada iyo dadka la shaqeeyaba,waxeyse u muuqataa in xarakada m/alshabaab ay hada ku bedeleen dagaalki mid dhuumaaleysi ku dhufoo ka dhaqaaq ah iyadoo dad badani ku haminayeen in laga gudbey dagaalki loona gudbey nabad iyo horumar uu horkacayo m/weynaha dhawaan la doortey pro.xasan sh maxamuud.