Qarax nafti hurnimo oo lagu qaadey maqaayad ku taal agagaarka guriga hooyooyinka iyo xarunta xmjs.

0
555

Qarax nafti hurnimo ayaa maanta lagu qaadey maqaayad ku taal agagaarka guriga hooyooyinka iyo xarunta xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed kaas oo uu fuliyey qof nafti hure ah isagoo galaaftey dad ka badan 25 qof iyo dhaawac kor u dhaafaya 40 qof.

Maqaaxidan ayaa inta badan aheyd meel mashquula oo dad badani isugu yimaadaan kana qaxweeyaan,waxeyna inta badan saldhig u aheyd wariyeyaasha ka hawl gala gobolka banaadir,waxeyna ahey goob laga helo wararka,ninkii aas aasey goob fadhigan ayaa wuxuu ahaa allaha u naxariistee C/salaan sh xasan xiis oo hore loo toogtey isagoo ku sugan deg.x/jajab ee gobolkan banaadir.

Maqaaxidan oo aan laheyn wax ilaalo ah ayaa la dareemi karey in ay ka dhici karaan falal kuwan oo kale ah waana badanyihiin meelo lamid ah oo leysugu yimaad balse hada kadib loo baahanyahey in ay ka gaashaantaan,gud. Kuxigenka xmjs ahna kusimaha gud.xmjs md cali maxamed nuux(timajilic) ayaa falkan ku tilmaamey xasuuq iyo jirid goyn soomaalida loo geystey wax lagu gaari karona ma jiraan ee markii soomaalidu dhamaato oo ay isu soo haraan shisheeyaha raba in uu dalkan qaato iyo kuwa falkaan soo abaabuley ayey ogaan doonaan tacadiga ay u geysteen walaalahood ayuu yiri timajilic oo la hadley warbaahinta qaraxu marka uu dhacey kadib.

Waxaana dadka qaarki garanwaayeen sida falku u dhacey iyagoo ku sheegey in goota labo iyo wax ka badan nin isku qarxiyeen mase aha sidaase wuxuu ahaa nin wata waxyaabaha qarxa ama jaakad,islamarkaana wata bumbo iyo qori wuxuuna ugu horeyn tuurey bumbki dadki oo isjiirey ayuu qorigii ku furey markii danbana isaga ayaa is qarxiyey dadka dhintey qaarkood waxaa diley rasaasti uu ku furey nafti huruhu waana fal ay dad badani aad uga argagaxeen iyadoon ilaahada cidina sheegan,maadaama lagu yiqiin xarakada alshabaab in ay markiiba sheegtaan wixi sidan oo kale ah oo ay iyagu fuliyaan.