Qabashada Araajida Musharaxiinta M/weynenimo Oo Maanta Bilaabatey.

0
482

Iyadoo la filayo in dhawaan la doorto m/weyne uu dalku yeesho ayaa maanta waxaa si rasmi ah u bilawdey qabashada araajida musharaxiinta doonaya in ay qabtaan xilka m/weynaha jamhuuriyada f somaaliya.

Xilkan ayaa waxaa u taagan in ku dhaw 50 musharax waxaana xubnaha barlamaanka dhawaan dhaartey ku xireen shuruudo ad adag oo qaar u muuqdaan kuwo baal marsan waxa ay ku sheegaan dastuurka sida lacagta khamaarka oo kale ah oo gaareysa &10.000
iyo maaleysi aad moodo in mushaar looga dhigayo xubnaha baarlamaanka oo ah in xildhibaan kastaa soo jeedin karo 3 murashax oo loola jeedo xildhibaan kasta waa in 3 murashax jeebka gacanta u geliyaan,taas oo u muuqata bilaw aan wanaagsaneyn,waxeyna noqoneysaa barlamaanki leys lahaa wuxuu la diriri doonaa ama ilaalin doonaa musuqa iyo laaluushka isagii ayaaba lagu anqariyey ama ku af bilawdey.

Soomaaliya masiirkeeda tan iyo waqtigii xoriyada waxaa wax laga weydiinayey xildhibaan aan laftiisu caddaalad ku imaan ee laaluush iyo eex kursiga ku yimid kaasoo isna ka raadiya ribix iyo wax kasoo gala dhaqaale ahaan dadka uu metalayo waana mida soomaaliya dhigtey meesha ay maanta taal mana la sugayo wax fiican inta xumaan aas aas looga dhigey.