MAXEY KA DHIBI TOBAN KUN NIN BALAAYIIN XADEY?(dorasho m/weyne)

0
512

Iyadoo dhawaan la filayo in doorashada m/weynaha soomaaliya ka dhacdo gudaha magaalada muqdisho cod qarsoodi ahna xildhibaan walbaa ku codeyn doono ayaa bal si looga gaashaanto loona kala reebo murashaxinta tirada badan ay barlamaanki dhawaan dhaartey ku xirey shuruudaha dastuurigaana ku darey in murashax kastaa bixiyo lacag qamaar ah oo gaareysa &10.000.

Waxaana hadda lacagahaas shubey xubno 5 gaaraya oo kala ah c/weli gaas,farmaajo,goonjeex,caddow sh/sharif iyo kuwo kale oo jidka kusoo jira waxaana isweydiin mudan meeshana ka muuqata su’aasha ah maxey toban kun ka dhibi nin balaayiin xadey? Waa waxba jawabta oo gaabane maanta oo loo jeedo waxa socda iyo sida loo xalaaleystey laaluushka iyo musuqa maxaan uga hortagi la’nahey cuquubada ka dhalandoonta oo xag alle ka imaan doonta?
Bal fiiri xalaaleysiga aan ka hadlayaa waxaa kow ka ah
a) 10.000 dolar oo shuruudaha lagu darey.
B) xildhibaanada soo jeedinaya musharaxa.
C) xildhibaan kasta 3 qof oo uu soo jeedin karo.
Intuba waa xeer gudub iyo baneyn laaluush caddaalad daro ay aabaheed tahey,mid kamid ah xildhibaanada cusub ayaa la weydiistey in uu musharax u saxiixo formka,wuxuuna yiri imisa lacag ah ayaa leysiinayaa? Waxaa lagu yiri alle ka baq waa maxey lacagta aad musharaxa weydiisaneysid? Jawaabta uu bixiyey eeg oo bal qiimee!

Waxa uu ku jawaabey xildhibaanki shaley dhaartey ayuu yiri xildhibaanki dhaartey.

Hadaba marka aad jawaatan dhuuxdid waxaad ka dhadhansan kartaa in cudurka laaluushku faafayo oo bedelayo dhaqanki diintii iyo dadnimadii lagaga xishoon jirey waxa aduun iyo aakhiro aan midna ku fiicneyn.