MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA PROF. XASAN SH MAXAMU’D OO U KICITIMAYA DALKA MAREYKANKA!

0
541

Madaxweyne xasan sh maxamud ayaa la filayaa in uu u kicitimo dalkaasi mareykanka safarkiisi ugu horeeyey tan iyo intii loo doortey m/weynaha jamhuuriyadda federalka soomaaliya marka la caleemo saaro kadib.

Dad badan ayaa waxey isweydiinayaan m/weyne kasta oo soomaalidu yeelato marka la magacaabo wuxuu galaa safar iyo diyaarad la raaco,taasoo loo arko in aysan dhaqaleyneyn dhaqaalaha liita ee dalka waxaana leys oran karaa in arimo kale ku hoos jiraan,marka la eego m/weyne xasan sh maxamud dhaliisha durba loo jeediyey ayaa ah in uu afka ingriiska shir jaraa’idkii ugu horeeyey uu ku bixiyey isagoo u faanayey m/weynihii hore oo aan luqadaas ku hadli jirin.

Dhanka kale dastuurka ayaa qeexaya in luqadda rasmiga ah ee koowaad uu yahey afka soomaaligu waana midka mar walba oo meediyaha m/weynuhu adeegsanayo in uu ku hadlo,luqadu cilmi maahan ee waa wax leysku fahmo oo keliya cidda aad rabto in ay ku fahmtana waa dadkaaga waxa aad wax ku fahamsiineysaana waa in ay noqdaan afkaaga hooyo ayaa qormada qalinku ku afjarey.
M/weynaha ayaa iloobey in ay tahey cida uu metalaayo hadalkiisa dhageysaneysa in ay tahey gabadha baadiyaha ariga ku raacda iyo kan geeljiraha ah,hooyada dhuxusha gadda kawaanleyda suuqa hilibka ku gada iyo kuwo kale