Kadib qarax nafti hurnimo oo maanta ka dhacey maqaaxi ku taal agagaarka guriga hooyooyinka ayna ku dhinteen wariyeyaal saraakiil iyo dad rayid ah ayaa waxaa kulan degdeg ah isugu yimid gudiga amniga qaranka soomaaliya.
Waxaana kulanka kadib saxaafadda la hadley agaasimaha hey’adda nabad sugida qaranka Axmed Macalim fiqi isagoo agaasimuhu sheegey in leysku raacey qodobo muhiim ah oo looga hortagayo dhacdadaan oo kale shacabka soomaaliyedna ay ku farxi doonaan qidadaha loo dajiyey arxanlaaweyaasha goostey in ay shacabka dhiigiisa ku qubeystaan,wax qiimo ah uguma fadhiyo shacabku marka waa in aan iska kaashano cirib tirkooda ayuu yiri fiqi oo intaas ku darey hadii ay dagaal wax ku doonayaan waa in ay tagaan goobaha dagaalku ka socdo waase fuleynimo ayaan leeyahey dad rayid ah oo leysku qarxiyo ayuu agaasimaha hey’adda nabadsugida qaranka Axmed Macalim Fiqi kusoo gabangabeeyey hadalkiisa.