KHAL-KHAL IYO CABSI LAGA DAREEMAYO MUQDISHO/DILALKA IYO QARAXYADA SOO CUSBOONAADEY AWGED.

0
564


Waxaa magaalada muqdisho laga dareemayaa khal-khal iyo cabsi la xiriirta dilalka iyo qaraxyada soo cusboonaadey awgood,waxaana dilki ugu danbeeyey loo geystey allaha u naxariistee MUSTAF XAAJI MAXAMED oo ka mid ahaa xildhibaanada baarlamaanka cusub iyadoo ay ka horeeyeen kuwo kale oo is xig xigey waxaanan wax ka weydiiney arimahan iyo kuwo kaleba kusimaha gud.xisbiga midnimada jamhuuriga somaaliyed ahna gud.kuxigenka xmjs cali maxamed nuux timajilic bal sida uu u arko waxyaabahan soo cusboonaadey wuxuuna ku jawaabey:-

waxaa jira waxyaabo isbiirsadey oo ay kamidyihiin 1 hore wixii jirey oo lagu darey hugaanka cusub ee dalka la wareegey,waxaanan uga jeedaa waxaa jiri jirey ciidamo aan cíidamada qaranka ka tirsaneyn oo la dagaalami jirey dadka nabadgelyada wax u dhimaya markii uu tagey m/weynihii hore waxey noqdeen agoon aan laftooda laga xigin in ay qaraabtaan oo lagu shaqeysto.

2 hey’adihii amniga oo madaxdoodi uusan m/weynuhu kalsooni siin oo kawada baqaya in la bedelo niyad wanaag ay ku shaqeeyaan ma heystaan taasina dhibaatada qeyb ayey ka tahey,sidoo kale maamulka gobolka banaadir iyaguna waxey lahaayeen ciidamo ay lacago siiyaan maamulku niyadii uu ku shaqeyn jirey waxey raacdey m/weynihii hore sh/sharif sh axmed.

Marka waxaan isleeyahey wey sahlantahey hadii m/weynaha cusubi uu talo iyo tusaale u baahanyahey,waana inuu sidan yeelo inta xukuumadu si rasmi ah u hawlgelayaan.
M/weynuhu waa in uu u yeero maamulka gobolka banaadir kuna kalsooni siiyo shaqadooda.
M/weynuhu waa in uu u yeero madaxda hey’adaha amniga sida nabadsugida iyo booliska kuna dhiiri geliyo shaqadooda ayna ka qeybqaataan isku xirka bulshada iyo madaxtooyada,sababtoo ah waxaa jira saraakiil ciidamo gaar ah leh oo hey’adaha amnigu ogyihiin kuwaas oo madaxtooyada laga biili jirey hawlo xaga amniga ahna qaban jirey,m/weynaha cusubi hadii uu doorto in waxwalba hal mar noqdaan sida uu rabo suurto gal maahan hadiise talaabo talaabo loo wajaho waa suuragal in wax badan laga gudbo ayuu gud.xigeenku hadalkiisi ku soo gabangabeeyey.