Sida lala wada socdo soomaaliya oo 22Sano ku dhaw burbur iyo dhibaatooyin kala jaad ah kaas oo inta badan loo aaneeyo faragelin ka sareysa soomaalida iyo shisheeyaha
ka dhex adeeganaya soomaalida dhexdeeda ayaa maanta waxaa illaah mahadi lagu guuleystey in doorasho ka dhacdo magaalada muqdisho,sidaas darteed ayaa maanta waxaa shir jaraa’id ku qabtey gud kuxigeenka xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed md Cali Maxamed Nuux timajilic,isagoo sheegey in ay ku faraxsanyihiin habka iyo hanaanka doorashadu u socoto, isagoo xildhibaanada ka codsadey in ay codkooda ugu ridaan hugaan ay hubaan oo ay yaqaaniin diintiisa,amaanadiisa iyo wadaniyadiisaba.
Dhanka kale timajilic ayaa sheegey in ay jiraan siyaasiyiin soomaali lamoodo oo ka yimid dawladaha deriska ah kuwaasoo ka shaqeynaya isku dirka siyaasiyiinta kala dilaalida musharaxiinta taas oo dhabarjab ku ah halka aan maanta higsaneyno timajilic ayaa afka ku dhuftey siyaasiga ILYAAS BARRE SHIIL kaas oo uu timajilic ku tilmaamey nin denbi faraha kula jira isagoo ka codsadey ciidamada amniga in ilyaas loo yeero lana weydiiyo dalkugalka ama fiisaha uu dalka ku joogo iyo hawsha uu ka wado hottelada uu ku kala shirinayo soomaalida.
Waxaan ilyaas bare shiil aan modeyney walaalkeen wanaag nala doonaya balse isagaa shisheeye iska dhigey anagu kama sameyn karno dawlada uu u adeegayo gudaheeda waana wax ka baxsan dublamaasiyada iyo derisnimada waxa uu hada faraha kula jiro ilyaas barre shiil ayuu gud.kuxigenku hadalkiisa ku soo gabangabeeyey.