Iyadoo dhawaan warbaahintu faafisey war sheegayey in xisbul islaam dib uga go’ayo alshabaab kadibna alshabaab ay beeniyeen ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in magaca xisbul islaam ay qaadanayaan isbaheysigii dooxada jubba ee ay hugaamin jireen barre hiiraale iyo allaha u naxariistee SEERAAR.
Arinkan ayaa waxaa la sheegayaa in ay si hoose ugu heshiiyeen labo beelood oo isbaheysigaas ku mideysnaa kuwaas oo kala ahaa beesha ceyr iyo mareexaan,waxaana la sheegayaa in hadda uu hor boodayo ninka lagu magacaabo general IDHACADDE oo u muuqda in uu buuxinayo booski uu ka baxey allaha u naxariistee SEERAAR,waxaan isaguna meesha ka maqneyn ninka lagu magacaabo maxamed macalim oo afkiisa laga maqley isagoo leh waxaan ka go’nay alshabaab isagoo hore u ahaanjirey mar afhayeenka ururki ku biirey alshabaab oo la oranjirey XISBUL-ISLAAMI ee uu hugaaminjirey shekh xasan daahir aweys.
Warkan ayaa u muuqda in ay is urursadeen garabki general indhacade iyo koox aan hore ugu qanacsaneyn ku biiritaanka alshabaab dabadeena ay ka gadeen labadii beelood ee hore ugu mideysnaa isbaheysigii dooxada jubba,si meesha looga saaro maamulgoboleedyo ku wajahan gobolada koonfureed.