Hey’adda nabadsugidda qaranka oo soo bandhigtey hub iyo shaqsiyaad fal danbiyeed faraha kula jirey!!.

0
545

Iyadoo beryahan magaalada muqdisho laga dareemayey nabadgelyo daro,ayaa hey’adda nabadsugida qaranka oo ka jawaabeysey qaylo dhaan katimid bulshada iyo codsi madaxda dalka hugaamisa,waxey hawl gal ka fulisey gobolkan banaadir.

Hawlgalkan ayaa waxaa lagu soo qabtey hub iyo dadkii falalka amnidaro ku geysan rabey,dadka ay hey’addu soo bandhigtey oo warbaahintu wareysatey ayaa qaarkood waxey qirteen in ay dad soo dileen qaar kalena iyagoo dili raba gacanta lagu soo dhigey,taas oo layaab ku noqotey dad badan in qof si bareer ah u yiraa dad baan diley qaar kalena waan dili rabey.

Maahan markii ugu horeysey ee ay hay’adda nabadsugida qaranku soo bandhigto hub iyo walxaha qarxa iyo waliba dad ka soo goostey alshabaab tanise wey ka bedelneyd oo waa mid ka duwan bandhigyadii hore loo arki jirey.

Hey’adaha amniga oo si adag ugudanjirey waajibaadkooda amni ayaa waxaa la moodey in hawshi meesha ka baxdey kadib markii la doortey hugaanka cusub ee dalka ugu sareeya,dib ayeyna ciidamadu u hawl-galeen una cadeeyeen in bulshadu ku hurudo xasilooni iyo nabadgelyo lagu naaloodo insha allaah.