Waxaa si weyn looga dareemayaa magaalada muqdisho baaritaano fatashaad lagu sameynayo dadka iyo gaadiidka magaalada u kala gooshaya isla markaana isgoys kasta lagu arkayo ciidamada nabadgelyada oo har iyo habeen u taagan fulinta waajibaadka qaranka.
Waa mid soo xusuusineysa dad badan oo dawlad yaqaan ah kuwa kalena bareysa in shacabku leeyahey ciidamo ay ku hurdaan hadey tahey nabadgelyada gudaha iyo difaaca qaranka,waana dardargelin ay qaateen hey’adaha nabadgelyada sida nabadsugida iyo booliska kadib qeylo dhaan katimid bulshada markii ay soo noqnoqdeen falal la xiriira amni daro,waxaana xaqiiqa ah hadii ciidamadu ay u shaqeeyaan si hufan ay ku filanyihiin amniga gudaha iyo difaaca dalkaba waase hadii shacabku la shaqeeyo oo ay fahamaan in dani ku jirto la shaqeynta ciidamada dalkeena soomaaliya.