Ciidamada dalka kenya oo sheegtey gacan ku heynta magaalada kismaayo.

0
536

Ciidamada dalka kenya oo hore meelo badan oo jubooyinkaa ka geystey duqeyn iyo dilal dad rayid ah ayaa sheegey in ay la wareegeen magaalo xeebeedka kismaayo,halka arintaas ay beeniyeen xarakada m-alshabaab oo gacanta looga dhigey meelo badan oo ay maamulijireen.

Lama oga sida ay u fududahey la wareegida magaalada kismaayo sababtoo ah waa magaalo si weyn ay u dananeynayaan xarakada alshabaab,waxaana dhici karta in lagu dhex dagaalamo oo aaney alshabaab uga bixin sida ay uga soo baxeen magaalooyin ay hore u baneeyeen iyagoon ku dhex dagaalamin,waxaana dhici karta in ciidamada kenya hadii ay magaalada gudaha u galaan in ay la kulmaan naceyb shacab taas oo caawin karta alshabaab.

Ciidamada kenya ayaa hore u duqeeyey magaalooyin ay ka mid tahey kismaayo taas oo abuurtey in dadka soomaaliyeed ay naceyb ba’an u qaadaan ciidamada kenya oo aan soomaalida u sameyn soomaalida ku nool kenya iyo kuwa gudaha ku nool markii ay dalka soomaaliya soo galeen iyagoo ku mar marsoodey in gudaha soomaaliya weerar looga soo qaadey kadibna ay sheegeen in ay ka mid noqdeen ciidamada amisom.