Xuma Doon Xumaan U Midoobey!! (22da) Musharax.

0
505

Iyadoon hore looga baran in ay samaan ku midoobaan ayna yihiin rag la wada yaqaan ayaa maanta waxaa goob qura isugu yimid rag yiri waxaan dooneynaa in aan m/weyne noqono
hase yeeshee aan la ogeyn waxa ka danbeeya kulankooda laga maleysan karo wixii hore loogu yiqiin ama kasii xun.

Ragan ayaa intooda badan danbiilayaal ka ah soomaalida dhexdeeda,waxeyna u egyihiin kuwo daadku qaadey xumbana cuskanaya,ayna kamid yihiin kuwo lagu eedeynayo in ay masuul ka yihiin bad iyo beri soomaaliya leedahey iibiyey,kuwo sababey barakicin iyo baabi’in dad rayid ah kuwo dhacey hanti qaranku leeyahey,iyo kuwo denbiyo kale ka galey dad rayid ah.

Ragan sheegey in ay midoobayaan hal murashaxna sameysanayaan ayaa dadka qaarki sheegayaan in ay quuri waayeen in ay mid mid u bixiyaan lacagta musharaxnimada ayna naf ka raadiyaan in ay qeybsadaan hal musharax lacagtii laga qaadi lahaa,lamana oga sida ay ugu heshiin karaan hal musharax,balse la arki doonee marka ay fuliyaan waxa ay sheegeen in ay sameynayaan waana kuwo u muuqda midnimo ay noloshi ku waayeen in ay raadinayaan iyagoo ay u dhamaatey.

                 W.Q:C/raxmaan Saciid Axmed {Diida}

                      Warsom.com