Gud.xmjs ahna musharax m/weyne c/nur darman,gud.kuxigenka xmjs cali maxamed nuux timajilic,gudiga fulinta xmjs iyo dhamaan xubnaha xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed waxey hambalyo iyo bogaadin u direen gud.barlamaanka cusub maxamed sh/cismaan jawaari oo maanta 28/08/2012 loo doortey gud barlamaanka somalia afarta sano ee soo socota.
Maxamed sh/cismaan jawaari ayaa madaxda xisbiga iyo musharaxooda c/nur axmed darmaan u rajeeyeen in uu dalka u horseedo horumar iyo madaxbanaani buuxda isla markaana laga digtoonaado wixii burbur keeni kara.
Barlamaanka dawlada federalka somalia ayaa maanta doortey gud barlamaanka iyadoo kuxigeenadana la dooranayo saacadaha soo socda iyadoo jawaari uu ku guuleystey wareegi koowaad 119 cod halka musharaxa ay isu soo hareen isla markaana u tanasuley jawaari waa cali khalif galeyr uu heley codad gaaraya 77 cod mana loo baahan wareeg 2aad iyo 3aad toona.
W.Q:C/raxmaan Saciid Axmed {Diida}
Warsom.com