XISBIGA MIDNIMADA JAMHUURIGA SOOMAALIYEED OO TAAGEEREY HADAL KA SOO YEEREY (JES JONSON)

0
475

Shir uu maanta yeeshey xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed uuna shir gudoominayey gud.kuxigenka xmjs cali maxamed nuux timajilic ayaa lagu taageerey hadal ay sheegeen companyo iyo ganacsato kasoo jeeda dalka mareykanka kuwaasoo balan qaadey hadii c/nur axmed darman uu noqdo m/weynaha jamhuuriyada somaaliya ay somaaliya gashan doonaan hanti aad u farabadan oo aan cadedkeeda la sheegin taasoo la gelindoono xaga warshadaha beeraha xoolaha nool iyo kalumeysiga.

Gud kuxigenka xmjs cali maxamed nuux oo shirka kadib la hadley saxaafada ayaa yiri anagu waan soo dhaweyneynaa hadalkan waana fursad u timid somaaliya mudanna in laga faa’iideysto.

Timajilic oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri anagu cid kasta oo maalgashi somaaliya ku sameyneysa waa in la soo dhaweeyo hadii dadka dalkan la soomaro,mana ogolin in dadka soomaaliyed la gumeeyo sida hada socota,waad arkeysaan in la leeyahey qof waxbuu leeyahey qofkaas kalane waxba malahan ayna awoodii iyo madaxbanaanidii somaaliya ay ku tagri falayaan dad shisheeye ah.