STANBUUL OO DEEQ WAX KU OOL AH MUQDISHO SOO GAARSIISEY!!!

0
535

Dhawaan ayey aheyd markii uu booqashada ku tagey gud.gobolka banaadir maxamud axmed nuur (tarsan) magaalada stanbuul ee dalkaasi turkiga iyagoo hadal wadajir ah oo ay labada maamul soo saareen ku sheegeen in ay mataaneeyeen labada magaalo,waa muqdisho iyo stanbuul.

Hadaba deeq wax ku ool ah oo ka dhalatey mataaneyntaas ayey stanbuul u soo dirtey muqdisho,dhawaana uu kusoo xirtey markabka sidey deeqdaas oo isugu jirtey gaadiid kala duwan iyo qalab dhismo oo qeyb lixaad leh ka qaadan kara dhismayaasha wadooyinka,dekedaha,airporada iyo dhismayaasha kale ee adeega dadweynaha.

Maamulka gobolka banaadir ee uu hugaamiyo xildhibaan maxamuud axmed nuur ayaa hore muqdisho uga hir geliyey mashaariic wax ku ool ah oo lagu bogaadiyey sida nalal soler ah nadaafad iyo dhismaha waddooyin badan,isla markaana ay ku dhinac wadaan abaabulka iyo wacyi gelinta bulshada door weyna ka qaata adkeyta nabad gelyada,waxaana la dhihi karaa maamulka uu hugaamiyo tarsan waa kii ugu fiicnaa ee soomara gobolkan banaadir sanadihii burburka soomaaliya muqdishana maanta waxey u muuqataa mid soo kabaneysa.