Qiimaha Sharuurka Oo Sicir Barar Aad U Ba’an Laga Dareemayo !!

0
608


Sicir barar aad u ba’an ayaa beryahan laga dareemayaa muqdisho kadib markii ay soo gaareen qurba joog doolar wata kuwaasoo olole ugu jira hanashada xilalka qaranka somalia.

Qiimo kororka ku yimid sharuurka ayaa hurdo iyo hoyaad u diidey qaar badan oo dadki gudaha joogey ah,taasoo keentey in ay ka qaxaan guryihii ay deganaayeen kadib markii ay nafta u keeneen sharuur qaatayaal ka kala socda idaacadaha,TVyada,websiteyada,iyo jornalada kasoo baxa muqdisho,kuwaasoo aan laga fariisan karin hadii ay yimaadaan shirarka iyo kulamada magaalada ka dhaca

Waxaana dhici karta hadii aad u yeerato labo ama sadex idacadod ama tv in ay iyagu war geliyaan labaatan aadan wax u heyn isla markaana marka hore iska dhigaya in ay wardoon yihiin balse marka goobta lagu kala dareero ku oranaya aawey waxeygii kuuna raacinaya waad ogtahey in sharuurku kor u kacaye keen lacag waaweyn,qaarna iyagoon waxba kuu qaban ku oranaya aniga rag kale ayaa wax iga raba ama la hadal oo aan kula hadalsiiyo milkiilaha ama agaasimaha stationka ee la heshii

Markii aad la heshiisid kii taladu ka go’dey ayuu hadana sharuur qaatihii ku oranayaa waxaas aad ku heshiiseen anigu shaqo kuma lihiye keen xaqeygi,hadii aad diididna wuu tuurayaa warkaagi isagoo laga yaabo in uu kii milkiilaha ama maamulka ahaa in uu u geeyo dacaayad adiga kaa dhan ah iskaba daa in hawl laguu qabtee.

Waa wax aan laga xishoon sharuurku hadda waana mid maraya gorgortan iyo xoolo la kala iibsanayo oo kale taasoo mararka qaar keenta in ay kala irdhoobaan dad badan oo hore u wada hadli jirey,waxeyna u muuqataa in meesha ay kasii baxeyso anshaxii saxaafada soomaaliya,cid ku baraarugsana aysan jirin iyadoo ay jiraan ururo kulmiya saxafiyiinta isuna yimaada marka iyaga qalad laga galo qeylo dhaantooduna meel kasta gaarto iskana dhiga ceebka saliim aan waligood cidna qalad ka gelin bulshadana u adeega.

               W.Q:C/raxmaan Saciid Axmed {Diida}

                    Warsom.com