Gudiga Doorashada Baarlamaanka Oo Sheegay In Dib Loo Dhigay Doorashada Guddiga Baarlamaanka

0
510

Guddiga doorashada baarlamaanka ayaa ku dhowaaqay in muddo labo maalmood ah dib loo dhigey qabashada doorashada guddoomiyaha baarlamaanka.

Guddiga oo dhowaan ay iska dhex doorteen xubnaha baarlamaanka ayaa waxaa ay sheegeen in dib loo dhigey doorashada guddoomiyaha baarlamaanka muddo labo cisho ah lana qaban doono 28ka bishan aynu ku jirno.

Hore ayaa loo shaaciyey in guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka doorashadiisu ay dhici doonto 26ka bishan oo labo maalmood ay ka harsan tahay.

Waxaa soo baxayay maalmihii la soo dhaafay inay suurtogal ahayn in la qabto doorasho baarlamaan iyadoo aan lasoo dhamaystirin xubnaha baarlamaanka oo ka kooban 275 xubnood.

Waxaana muran uu ka taagan yahay soo dhamaystirka xubnaha ka dhiman baarlamaanka oo guddiga farsamada soo xulista baarlamaanka ay diideen inay ansixiyaan Magacyada hogaamiye kooxeedyadii Magaalada Muqdisho oo iyagu ay soo gudbiyeen odayaasha dhaqanka.

Balse illaa iyo hadda ma muuqato in xal laga gaarayo arrintaas iyadoo dib udhaca xilliga qabashada guddoomiyaha baarlamaanka ay sababtaas ka mid tahay sababaha ugu waaweyn, waxayna haddii aan la qaban guddoomiyaha baarlamaanka doorshadiisa ay dib u sii dhigi kartaa mudada xilliga ay dhacayso doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

(Wararka Soomaaliya Wakaaladda Soomaaliyeed Ee Warsom.com)