GANACSADE KENYAN Ah OO Q/M CUNA QABATEYN SAARTEY!!

0
536


Ganacsade kasoo jeeda dalka kenya ayaa la sheegayaa in cuna qabateyn la saarey isaga iyo lix nin oo kale,ninkan oo lagu magacaabo abukar shariif axmed kana soo jeeda gobolka xeebta magaalada mombasa ganacsadahan oo ah nin muslim ah ayaa waxaa lagu eedeeyey in uu taageerey xarakada mujaahidiinta alshabaab sida isagoo lacago u ururiyey,ciidamo la tababarey iyo saanad milatery oo uu gaarsiiyey xarakada alshabaab.

Q/m ayaa u muuqata in ay tahey ul wax lagu ciqaabayo gacantana ugu jirta dawlado islamka colaad xaga caqiidada ahi kala dhaxeyso,waana mid muujineyso in q/m aysan doorkeedi ku laheyn dunida balse magaca oo kaliyihi jiro,iyadoo tani keeni karto in waxa loogu yeero qaramada midoobey ay lumiso kalsoonida lagu qabi karo oo aad hadaba u liidata.

Maahan markii ugu horeysey ee dad la yiraa cuna qabateyn ayaa lagu soo rogey,waxaana hada ka hor cunaqabateyn waxa lagu sheegey lagu soo rogey rag hugaamiya ururo islami ah sida Alqaa’cidda,ALshabaab iyo kuwo kale oo caalamka ka jira.