Dilal Qorsheysan Oo Caawa Ka Kala Dhacay Qaar Ka Mid Ah Degmooyinka Gobalka Banaadir.

0
444

(Wararka Soomaaliya Wakaaladda Soomaaliyeed Ee Warsom.com)

Caawa Ayaa Siyaabo Kala Duwan Waxaa Dilal Loogu Kala Geystay Degmooyin Dhor Ah Oo Ay Maamulaan Dowlada TFG-da Soomaaliya Iyadoona Ay Dilalkaasi Intoodii Badan Geysteen Kooxo Ku Hubeysan Biskoolado Goobtana Ay Ka Baxsadeen
Hadii Aynu Ku Horeyno Degmada Huriwaa Hal ruux ayaa ku geeriyooday mid kalane wuu ku dhaawacmay kadib markii kooxo hubaysan ay toogteen wiil dhainyaro ah ruux kale oo ka agdhawaa ay dhaawac Uu Soo Gaaray.

Mid Ka Mid Ah Dadka deegaanka ayaa Wakaaladda Wararka Ee Warsom.com Sahan U Sheegay in wiilka la dilay uu ka mid ahaa dhalinyarada Degan Xaafadaha Ay Ka Kobantahay Degmada Huriwaa, waxaana toogtay kooxo Bastoolado ku hubeysan oo aan la aqoon, kuwaa oo rasaas ku furay wiilka dhalinyarada ee geeriyooday iyo wiilka dhaawacmay.

Kadib Dilkaani Iyo Dhaawaca Ayaa Ciidamada Amaanke Ee Degmada goobta soo gaareen,Iyadoona Baaritaano Ku Aadan Falkaani Ay Ka Sameeyeen Balse Ma Cada Cida Ay U Soo Qabteen Falkaasi
Sidoo Kale Degmada Shangaani Ayaa Iyana Waxaa Fal Dil Ah Loogu Geestay Askari Ka Tirsan Dowlada TFG-da Soomaaliya Waxaan La Sheegay In Askarigaaso Laga Qaatay Qorey AK-47 Ah Oo Uu Sitay Kadib Markii Xabado Biskoolad Ah Madaxa Lagala Dhacay Meeshiina Uu Ku Quurbaxay Askarigaasi KA Tirsan Dowlada

Degmada Wada Jir Ayaaa Imaam Ka Tirsanaaa Dedka Deegaanka Ah Kooxo Ku Hubeysan Biskoolado Ku Toogteen Waxaana Marxuumkaasi Lagu Toogtay Agagaarka Guriga Uu Ka Daganyahay Degmadaasi Axmed Xasan Cadow Axmed Daaci Gudoomiyaha Degmada Wadajir Balse Kooxihii Geestay Falkaasi Dilka Ah Ayaa Goobta Ka Baxsaday Oo Aan Gacanta Lagu Dhigin Oo

Falalkaani Dilalka Iyo Dhawaacyada Ah Oo Ka Dhacaya Inta BAdan Degmooyinka Ay Maamulaaan Dowlada TFG-da Soomaaliya Ayaa Isasoo Taraya Kadib Markii Ay Xarakada Al-shabaab Faarujiyeen Qeybo Farabadan Ee Ka Tirsan Magaalada Muqdisho Oo Ay Horey Maamulkeeda Iyaga Hayeen Balse Intabadan Kooxaha Dilalkaasi Geesta Ayaa Ka Baxsada Goobta Ay Howlgaladaani Dilalka Ah Ka Geestaan Waxaana Jira In Ay Saraakiisha Amaanka Iyo Madaxda Sar Sare Ee Dowlada Wacad Ku Maraan In Ay Wax Ka Qabanayaan Islamarkaana Aysan U Dulqaadan Doonin Kooxaha Ka Wada Amaan Darada Qeybha Ay Ka Taliso Dowlada Mana Jiro Ilaa Iyo Haatan Wax Ay Ka Qabteen Falalkaani Ku Soo Laab Laabanaya Degmooyinka Ay Maamulaan Dowlada TFG-da

(Wararka Soomaaliya Wakaaladda Soomaaliyeed Ee Warsom.com)