Dowlada Kenya Oo Faragalin Xoogan Ku Heyso Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya.

0
494

Dawlada kenya ayaa faragelin ba’an ku heysa doorashada m/weynenimo ee loo balansanyahey iyadoo dooneysa in ay u kala hiiliso beelaha iyo shaqsiyaadka ku tartamaya jagada madaxweynaha somaaliya.

Kenya ayaa kol hore markii ciidamadeedu soo galeen ciida somaaliya amar la’aan ayaa m/weyne sh/sharif ka hadley mawqifkisa la xiriira ciidamada kenya isagoo sheegey cadeeyeyna in ciidamada kenya aysan dawladu waxba ka ogeyn ayna ku xad gudbeen madaxbanaanida soomaaliya,halka c/wali gaas uu sheegey in ay kenya ogyihiin ayna ka codsadeen in ay soo galaan soomaaliya.

Arinkan ayaa keeney in ay kenya si kulul uga jawaabto hadalki madaxweynaha iyadoo ay gaareen qaar kamid ah saraakiisha kenya in ay madaxweynaha ku sheegaan in uu alshabaab iyo argagixiso yahey si aan looga hor istaagin danaha gaarka ah ee ay soomaaliya ka leedahey maantana ay dooneyso in ay m/weyne ka dhigto kii ay ku daneysaneysey,taasoo ay ka dhalan karaan shaqaaqooyin hor leh oo ka dilaaca labada shacab faragelintan ayaa waxaa joojin kara biyana ku shubi kara dawlada ugandha oo ciidamada ugu badani soomaaliya ka joogaan,iyo musafeeni oo qaraar cad ka qaata waxa ay sameyneyso kenya.

               W.Q:C/raxmaan Saciid Axmed {Diida}

                    Warsom.com