Ciidamada TFG-da Iyo Kuwa Kenya Oo U Jiheystay Magaalada Kismaayo

0
601

 
Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in xiisad ay ka taagan tahay magaalada Kismaayo, kadib markii Ciidamada huwanta ay u ruuqaansadeen saacadihii u dambeeyay.

Sida ay sheegayaan wakaalo wareedyo ku sugan Magaaladaasi Kismaayo Dadka u nool Magaaladaasi ayaa bilaabay inay isaga barakacaan, markii dhaq dhaqaaq ciidan uu ka bilowday duleedka magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada is garabsanaya ee Kenya, kuwa TFG-da iyo Raaskambooni ay dhowr jiho uga baxeen Kismaayo.

Saraakiil ka tirsan TFG-da ayaa sheegay inay qorshaha dagaal uu yahay kii ugu dambeeyay ee ay ku qabsanayaan magaalada Kismaayo, si ay uga saaraan Xarakada Mujaahidiinta ee Al-Shabaab.

Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ayaa dhaq dhaqaaq ciidan oo ku wajahan sidii ay isaga difaaci lahaayeen duulaanka ku soo wajahan ka wada magaalada, iyadoo dhaq dhaqaaqa uu ahaa mid xalay si aad ah loo dareemay.

Todobaadyadii u dambeeyay ayaa waxaa ka taagnaa magaalada cabsi la xiriirtay duqeymo ay geysanayeen maraakiibta dagaalka ee ay leeyihiin Ciidamada Kenya, iyo diyaarado dagaal dul heehaabayay. 

(Wararka Soomaaliya Wakaaladda Soomaaliyeed Ee Warsom.com)