Xisbiga MJS Oo Qaban Qaabo Xoogan Ugu Jira Soo Dhaweynta Musharaxa U Taagan Qabashada Xilka Madaxtinimo Ee Somalia Mr.Darmaan

0
449

Mudane C/nuur Axmed Darmaan Oo Madaxweynaha Xisbiga Midnimada Jamhuurga Soomaaliyeed Haatanna Ah Musharaxiinta U Taagan Qabashada Xilka Madaxweyne Nimo Ee Dalka Soomaaliya Ayaa Lagu Wadaa Maalmaha Fooda Nagu Soo Heyso In Uu Soo Gaaro Gudaha Dalka Soomaaliya Gaar Ahaan Magaalada Muqdisho Iyadoona masuuliyiin Xisbiga MJS ay Ku Howlan Yihiin Qaban Qaabada Sidii Ay Ugu Soo Dhaweyn Lahaayeen Mudane Darmaan Magaalada Muqdisho

Cali Max’ed Nuux Tima Jilic Madaxyene Ku Xigeenka XMJS Ahna Ku Simaha Madaxwene Darmaan Ayaa U Xaqiijiyey Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom In Ay Wadaan Howlaha Iyo Diyaarinta Sidi Mr.Darmaan Ay Ugu So Dhaweynlahaayeen Dalka Soomaaliya Isagoona Sheegay In Ay Sameeyeen Gudi Ay U Xilsaareen In Ay Si Hagaagsan U Qabtaan Howlaha Lagu Soo Dhaweynayayo Iyo Goobaha Mudane Darmaan Loosoo Galbinaya

Qaban Qaabadaani Ka Socoto Magaalada Muqdisho Kaa Oo Ay U Wada Dhanyihiin Madaxda Dowlada Qaar Ka Tirsan Axzaabta Dalka Iyo Waliba Shacabka Soomaaliyeed Oo Intoodi Badan Laga Dareemayo In Ay Si Wanaagsan U Soo Dhaweynayaan Kuna Faraxsanyihiin Sida U Madaxweyne Darmaan Uu U Doonayo In U Hanto Qabashada Xilka Madaxtinimo Ee Soomaaliya

Darmaan Ayaa Haatan U Muuqdo In Uu Ku Guuleesan Doono Qabashada Madaxtinimo Ee Soomaaliya Maadaama Uu Kalsooni Badan Iyo Walib Taageero Dhanwalba Ay Laga Garab Taaganyihiin Beesha Caalamka Iyo Waliba Shacabka Soomaaliyeed Ee Ku Sugan Gudaha Dalka Iyo Dibadisa Iyadoona Uu Mr.Darmaan Qalinka Ku Dubay Haddii Uu Hanto Xilka Madaxtinmo Ee Soomaaliya Howsha Ugu Horeysa Oo Uu Qabandoono In Ay Tahay
1:In Uu Ciidamada Shisheeye Ee Ku Sugan Dalka Soomaaliya In Uu Ka Saari Doono
2:In Uu Wadahadal La Gali Doono Dagaalyahanada Al_Shabaab Oo Guud Ahaanba Ka Soo Horjeedo Joogitaanka Ciidamada Shisheeye Ee Ku Sugan Dalka Soomaaliya
3:Nabad Aan Abad Lagu Arkin Dalka Soomaaliya Uu Ku Dadaali Noon In Uu Ka Dhaliyo

Qaban Qaabada Ay Wadaan Madaxda Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Oo Uu Hogaaminayo Mudane Tima Jilic Iyo Waliba Hadalkaani Dhawaan Ka Soo Yeeray Madaxweyne Darmaan Ayaa Farxad Iyo Kalsooni Balaaran Ku Abuurtay Shacabka Soomaaliyeed Iyo Masuuliyinta Dowlada TFG-da Oo Mudo 20sano U Bukay In Dowlada Nabad Waarto Ka Dhaliso Dalka Soomaaliya Ay U Dhalato