Xisbiga Midnimada Jamhuriga oo shaaciyay Musharaxa uga Qeyb Galaya Dorashada Xilka Madaxweyne nimada Dalka Soomaaliya.

0
514


WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Xisbiga Midnimada Jamhuriga Oo Xubin ka ah Xisbiyada ugu faca weyn ururada siyasaded ee ka dhisan dalka somaliya ayaa shaaciya in ay isku raaceen musharaxa uga qeyb galaya Dorashada madaxweynaha ee Dalka soomaliya.

Sido kale Xisbiga Midnimada Jamhuriga waxa ay cadeyen in musharaxoda u yahay Mr Cabdi Nuur Axmed ( Darmaan) oo ah Madaxweynaha Xisbiga Midnimada Jamhuriga iyadona aysan jirin wax tartar dhaxdoda ah aysan u galin qofka noqon laha musharaxa xisbiga Midnimada Jamhuriga soomaaliyee.

Xisbiga Midnimada Jamhuriga oo ah xisbiga kowaad ee ka jira gudaha dalka isla markana La’aas aasay sanadka Marka u ahaa 1998 xiligaasi u dalka ku jiray xaalad adag isla markaana Xisbigu u dhibatadaasi Badankod u Gacan Ka Geystay Sidi Lo xalin Lahaa.

Ugu Dambeynti Xisbiga Midnimada Jamhuriga waxa ay Balan qaaden in ay Dhawan so Bandhigi doonaan Cv-ga Musharax Cabdi Nuur Axmed (Darmaan) iyo Waliba Olalohoda Doorasho.

Ma ahan Marki ugu horeysay ee musharax cusub la so sharxo balse bulsha weynta soomaliyed iyo qubarada u dhundalola siyaasada soomaliya aya wax ay sheegen in ay arintana ay sameyen xisbiga midnimada ay tahay wax lo bahan yahay in loga daydo sida muwadinimada ku dhehentahay oo ay u so sharxen musharaxoda ayado horay lo arki jiray in musharax walba ay so sharxi jiren Besha u ka dhashay ama Beesha Caalamka.

Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Somalia.