Xarakada Al-shabaab Oo Magaalada Kismaayo Ku Gubtay Gaari Caasi Iyo Qaad Farabadan Uu Saday

0
476

Wararka Soomaaliya Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Maamulka degmada Kismaayo Ee Xarakada Al-shabaab ayaa gacanta kusoo dhigay gaari isku dayay in uu jebiyo awaamir Dhawaan KA Soo Baxday Maamulka Al-shabaab Ee Degmadaasi Kismaayo oo laga mamnuucay ka ganacsiga Khaatka iyo cunistiisa oo dhamaan degmooyinka wilaayada laga mamnuucay Ayaa Maalunkii Shalay Ahaa Waxaa Meeshaasi Lagu Qabtay Gaari |Caasi Ah Oo Waday Xaad Aad U Farabadan.

Howlgal ay ciidanka Xarakada Al-shabaab Ee Degmada Kismaayo ka sameeyeen deegaanka Beerxaani oo 60 KM Kismaayo ujira ayay kusoo qabteen gaari nuuca Somaalidu caasiga u taqaano oo Khaatka ka buuxay.

Shalay gelinkii dambe ayay kumanaan shacab ah isugusoo bexeen magaalada Kismaayo si ay u daawadaan gaariga Khaatka siday ee lagubay.

Shacab Aad U Farabadan Ayaa Isugu Soo Baxay Isbartiibo Weekiyo falka lagu gubay khaatka oo ah Mid dadka dhaqaalahooda iyo caafimaadkooda dhibaateeya islamarkaana lacagta kasoo xaroota ay ku faa’iido dowladda Kenya ee Somaaliya Haatanba U Joogta La Xoojinta Awood Ee Dowlada TFG-da Soomaaliya .

Gobolada Jubbooyinka ayaa ganacsatada khaatla uqabatay waqti kabadan 3 bilood in ay uga haraan ka ganacsiga Khaatka markii mudada dhamaatayna waa lamamnuucay waxaana digniin lagu bixiyay in lagubayo gaarigii lagu helo isagoo khaat soo gelinaya dhulka Sharciga Ay Maamulaan Xarakada Al-shabaabAy Maamulaan ee Jubbooyinka.

Wararka Soomaaliya Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)