Xarakada Al-shabaab iyo Dowlada Kenya Oo Maanta Dagaal ku Dhexmaray Inta U Dhexeysa Kulbiyow Iyo Badhaadhe

0
484

Wararka Soomaaliya Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Duhurnimadii Maanta Ayaa  Dagaal Culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Kenya ay wehliyeen Ciidamo tiro yar oo katirsanaa Dowlada TFG-da iyo kuwa Xarakada ujaahidiinta Al-Shabaab Dagaal ku dhax maray Deegaano u dhaxeeya Kulbiyow iyo Badhaadhe.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Dagaalyahano katirsan xarakada  Al-Shabaab ay jidka u galeen Kolonyo gaadiid Ah ay wateen Ciidamada Kenya ee halkaasi kusafrayay iyagoona u dhigay Qaraxyo miino kadibna rasaas ku bilaabay Qasaaro Ba’ana Meesha Ay Ka Dhalatay.

Waxaana goobtaasi ka qarxay Dagaal Culus oo mudo socday iyadoona Ciidamada Kenya iyo kuwa Dowlada isku gadaameen goobtaasi kadib markii Dagaalyahanadii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday goobtaasi ka baxsadeen.

Ka Dib Dagaalkaasi Ayaa Saraakiil u hadashay Ciidamada Huwanta ah Waxa uu Sheegay sheegay in Dagaalka ee la galeen Al-Shabaab ay qasaarooyin xoogan ku gaarsiiyeen iyagoo dhinaca kale aan faah faahin ka bixin qasaaraha dhankooda kasoo gaaray Daglkaasi.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab afhayeen U Hadla Ayaa Isna Sheegtay in Ay Qasaaro Ku Gaarsiiyeen daaglkaasi Ay La Galeen Ciidamada Dowlada Kenya Iyo Kuwa Dowlada TFG_da Somaaliya

Wararka Soomaaliya Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)