Kooxo Hubeesan ayaa Maanta weerar dhaliyay qasaarooyin dhimasho iyo dhaawac keenay waxa uu ka dhacay Xarunta Shirkada Dahabshiil ku leedahay Xaafada kaba dhagax ee Degmada Wardhiigley.
Kooxaha Weerarka ku qaaday Shirkada Dahabshiil ayaa la heegay in ay damacsanaayeen in ay dhac halkaasi ka geesytaan balse iska hor imaad iyo difaac kala kulmeen ilaalo hubeesan oo Shirkada ilaalo ka haysay.
Hal qof ayaa dhintay mid kalana dhaawac ayaa soo gaaray, waxaana la sheegay in qofka dhintay uu katirsanaa kooxihii hubeesnaa ee weerarka soo qaaday halka ruuxa dhaawacmay isna la sheegay in uu kamid ahaa ilaalada Shiralkada Dhabshiil.
Ciidamo katirsan Dowlada KMG ayaa goobtaasi soo gaaray iyagoona ka bilaabay baaritaano ku aadan weerarka ragan hubeesan ee kusoo qaadeen Xarunta Shirkada Dahabshiil ee Xaafad Laba dhagax ee Degmada Wradhiigley.
Arintaan ayaana kusoo aadeysa xili dhawaan dhac saf mar ah Muqdiho loogu geestay ilaa sadax xawaaladood kuwaa oo laga qaatay lacago fara badan ,mana jiraan cid gacanta kusoo dhigtay kooha dhaca geestay oo la rumeesan yahay in ay Muqdisho joogaan..