Waziir Ku Xigeenka Wazaaradda Tamarta Iyo Batroolka C/llaahi Dool Oo Dowlada Dalka Kenya Eedeen Dusha Kaga Tuuray.

0
630

WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda tamarta iyo batroolka Dowladda KMG Soomaaliya, Cabdullaahi Dool oo la hadlayay Bahda Warfaafinta  ayaa sheegay in Kenya ay shirkado kula heshiisay in baaritaano shidaal laga sameeyo xeebaha Koofureed ee Soomaaliya taasoo uu ku tilmaamya sharci-darro.

“Dowladda Soomaaliya waxay qorsheynaysaa in cabasho ku saabsan arrintan lana xiriirta sharciyada badaha caalamka ay u gudbin doonto Qaramada Midoobay,” ayuu yiri Cabdullaahi Dool.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay inKenyatoddobaadkii hore heshiis la gashay toddoba shirkadood oo kuwa shidaalka baara ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin ENI oo Taliyaani ah shirkadda TOTAL oo Faransiis ah.

DowladdaKenyaayaa iska diidday eedeynta kaga timid dowladda Soomaaliya ee ku saabsan inay shidaal ka qodanayso badaha Soomaaliya, iyadoo sheegtay in dhulka laga baarayo shidaalka uu yahay mid ay iyadu leedahay.

Murankan cusub ayaa imaanaya iyadoo dowladda Kenya iyo Soomaaliya ay sannadkii 2009 kala saxiixdeen heshiis is-afgarad oo ku saabsan xuduudaha badda kaasoo uu ka dhashay muran sababay in baarlamaanka Soomaaliya uu heshiiskaas oo dhan diido.

Afhayeenno u hadlay shirkadaha la xusay ayaa sheegay in heshiiska ay galeen, iyadoo aan la ogeyn halka uu murankan ku dhammaan doono, waxaanaKenyakaga sugan Soomaaliya kumannaan askari oo qayb ka ah howlgalka AMISOM.
Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya.