Wareegto Lagu Magacaabay Guddomiyaha Bangiga Hormarinta Soomaaliya oo Xalay laga soo saaray Xafiiska Madaxweynaha Dalka Soomaaliya..

0
620


WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Wareegtadani oo xalay laga soo saaray xafiiska madaxweynaha soomaaliya shariif sheikh axmed ayaa waxaa xilka gudoomiyaha bank horemarinta soomaaliya loogu magacaabay mudane ka tirsan baarlamanka soomaaliya.

Xildhibaan cabdullahi axmed  afrax oo ka tirsan mudanayaasha barlamka soomaaliya ayaa waxa xalay wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowlada KMG soomaaliya lagu sheegay in loo magacaabay in uu noqdo gudoomiyaha baanka horamarinta soomaaliya.

Xilkani loo magacaabay xildhibaan cabdullahi axmed afrax ayaa waxa uu noqanaya markii ugu horeysay oo ay dowlada KMG soomaaliya ay magacaawdo xil noocani oo kalaa loona magacaabo xubin ka tirsan golaha shacabka soomaaliya.

Dowlada soomaaliya ayaa hada waxa ay ku guuleysatay in ay madax u magacaawdo hay,ado iyo wasaarado hoostaga dowlada KMG soomaaliya iyadoona muhiimad gaar ahaaned ay xambaarsan tahay magacaabista wareegtooyinka lagu soo saaro ee ka soo baxa xafiis yada Dowlada KMG soomaaliya.

Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya.